Masuuliyiin ka kala socda beelaha Salebaan iyo Qubays ayaa ku shiray magaalada Nairobi.Shirkan ayaa wuxuu ku saabsanaa sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaad soo noq noqotay una dhaxaysa beelaha Qubays iyo Saleebaan ee deegaanka Camaara. Read the rest of this entry »
Maxaad ka taqaan saraakiisha Ximan Iyo xeeb? waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa magacyada iyo darajooyinka saraakiisha Ximan iyo Xeeb kuwaasoo iskugu jira kuwa nool iyo qaar Ilaahay oofsaday. Marka aad aragto magacyada iyo darajooyinka saraakiishan waxaad xaqiiqsan doontaa in reer Ximan iyo xeeb kaalin muhiim ah uga jireen walina uga jiraan awoodda dalka. Read the rest of this entry »


Kaalin shidaalka oo cusub casrina aha ayaa maanta laga furay magaalo madaxda Ximan iyo Xeeb ee Cadaado iyadoo dhinaca kalena Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb uu dhagax dhigay Isbitaal cusub kaasoo ay deegaanka ka hirgalinayaan ganacsato Somaliyeed. Read the rest of this entry »
Caleema saarkii Jabuuti keddib markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu waddanka dib ugu soo laabtay ayaa mucaaradka waxay weerar dhinac walba ah ku soo qaadeen dowladdi curdunka ahayd inta ayan weliba cagaheeda isku taagin. Hajuumkii qaraaraa ee ugu horeeyay waxay dowladda u muuqatay mid laga awood sareeyo oo sidaasna caasimadda ku dhici doonto gacanta mucaaradka balse Sheekh Shariif iyo inta siyaasaddiisa ayidsan ayaa waxay jilbaha u aasteen in madax banaanidda Soomaaliya ayan gacanta u galin rag muxaarad ah oo ajaanib cadaw ah dabada ka wadaan. Read the rest of this entry »
Hay’ada Deegaan foundation oo ah Urur caalami ah ayaa ka codsanaya Beesha Caalamka iyo Hayáda deeqbixiyayaasha ah inay gargaar iyo caawimaad ka gaystaan Goboladda ay ka jirto nabadgalyada ee dalka Soomaaliya Read the rest of this entry »