Shirkii Madaxda Africa Oo La Soo Gabangabeeyay
Waxaa la soo gabagabeeyay shirki hogaamiyayaasha Midowga Afrika ee ka soconayay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayadoo gabagabadii kulankaasi laga soo saaray war-murtiyeed lagu qeexay go’aannadii shirka, wuxuuna ku idlaaday sidii caadada u ahaan jirtayba baryootan iyo hadal badan iyo hawl yar.
Shirka midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ay baacsan karan haddii ay maleeshiyaadku ay soo weeraraan, isla markaana ay la wareegi karaan goobaha laga soo weeraro.
Midowga afrika ayaa dib u dhigay qodob ku aaddanaa in wax laga bedelo howl galka midowga Afrika lona bedelo nabad dhaliyayaal, taas oo ay wadday dowladda shirka marti gelisay ee Uganda iyo Soomaaliya, hase yeeshee madaxda Afrika ayaa isku raacay in qodobkaasi dib loo dhigo inta laga helayo qalabka loo baahan yahay.
Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin qalab dheeraad ah haddii ay noqoto in la bedelo mandate-kooda, isagoo tilmaamay in diyaarado iyo qalab kale uu goluhu ka dalbaday dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska si wax looga bedelo howl galka Amisom, waxaana qalabkaasi ka mid ah diyaarado qumaati u kaca iyo qaar kale oo ka mid ah gaadiidka iyo diyaaradaha dagaalka.
Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay arrinta ku saabsan caafimaadka carruurta iyo hooyada qaaradda Afrika, ayadoo la isku raacay in la abuuro jiil cusub oo African ah, kuwaas oo bedeli kara madaxda waqtigaan ee qaaradda, ayadoo lagu hubeynayo Aqoon, Caafimaad, Nolol iyo technologyad casri ah.
Ajandayasha shirka ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa arrinta Soomaaliya, waxaana looga hadlay 3 qodob oo ka mid ah war-murtiyeedka, kuwaas oo u qornaa sidatan:-
7) Madaxda waddamada Midowga Africa ayaa muujiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya iyo iyaga oo aad u canbaareeyay weerarada iyo ficillada la xiriira qalalaasaha ay wadaan kooxda Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah ee ka dhanka ah TFGda, dadka Soomaaliyeed iyo howl galka AU ee waddanka Soomaliya.
Golaha ayaa sidoo kale si aad ah u cambaareeray weerarrada argagaxiso ee foosha xun ee ay sheegteen kooxda Shabaab ee laga geystay Kampala 11kii bishan july ee ka dhanka ahaa dad aan waxba galabsan.
Goluhu waxa uu baaq u jeediyay waddamada xubnaha ka ah iyo dhamaan beesha caalamka in ay go’doomiyaan islamarkaana ay qaadaan tilaabooyinka loo baahan yahay ee ka dhan ka ah kooxda Shabaab, ururrada iyo waddamada ku lugta leh falalka argagaxisnimo iyo cid kasta oo wiiqayso nabadda iyo hannaanka dib u heshiisiinta wadanka Soomaaliya, sidaasi si lamid ah xasiloonida gobolka iyo amaanka caalamka.
Qodobka sideedaad ayaa goluhu ku booriyeen dowladda KMG ah in ay kor u qaado midnimadeeda iyo in ay u shaqeeyaan ujeeddo buuxda oo ku wajahan dib u heshiisiinta Qaran, midnimada umadda Soomaaliyeed dhexdooda ah, ayagoo la raacayo heshiiskii bishii August ee sanadkii 2009ka.
Golaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay saxiixa iyo dhaqan gelinta heshiiskii lagu gaaray Adis Ababa 15kii bishii Marso ee sanadkaan ee u dhexeeyay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidookale “heshiiskii dowladdu la gashay Puntland 12kii bishii April ee sanadkii 2010ka”.
9) Qodobka sagaalaad ee ka mid ah war murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxa uu qeexayaa in guluhu uu muujiyay mar labaad ansixinta in ciidamo ay ku deeqeen dowladaha Ugaandha iyo Burundi kuwaa oo looga mahad celiyay deeqdaas ciidan ee qaaliga ah ee nabadda wadanka Soomaaliya ka qeyb qaadanaya ayadoo Golahu uu boorriyay dadaala socda ee lagu dhisayo awoodda ciidamada nabad geliyada dowlada Soomaaliya iyo taageerada la siinayo.
Go’aanadaan laga soo saaaray war-mutiyeedka kulanka xasaasiga ah ee 15aad ayaa si aad ah loogu mahad celilay tilaabooyinkii ay qaadeen madaxda wadamada urur goboleedka IGAD kaddib shirkii ay 5tii July ku yeesheen magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia oo ay ballan qaadeen in ay tirada ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ka dhigaan ilaaa iyo 8,000 oo askeri.
10) Qodobka 10 aad ee ee shirka kuwooda si aad ah uga hadlaya Soomaaliya ayaa waxa uu qeexayaa in goluhu uu si dheeraad ah u aqoonsado fara gelinta muhiimka ah ee wadanka Soomaaliya iyo codsiga gudoomiyaha gudiga Midowga Africa ee lagu muujinayo heerka lagu hir gelinayo taageerada caalamka ee wadanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale war murtiyeedkaas lagu sheegay hanki wadanka Jabuuti uu yahay aasaaska kaliya ee nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaana dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagu booriyay in ay sii waddo dadaaladeeda ah in ay samaynayso ballaarinta baaxadda siyaasadda ee dowladda oo ay ku jiraan in ay sii wado nabadda iyo in laga tanaasulo qallaasaha.
Golaha ayaa ku baaqay dhamaan dhinacyada in ay taageeraan islamarkaana ay xoojiyaan tillaabooyinka damaanad qaadka u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxa ayna ku celceliyeen in baaqooda ku wajahaan beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan in ay ciyaaraan dowrkooda saxda ah oo ay ku jirto in ay wax ka beddalaan AMISOM howlaha nabad ilaalinta wadanka Soomaaliya.
Sida aad warmurtiyeedka madaxda Africa ka aragtaanba waxay hadalkooda ku soo koobeen lacag, hub iyo diyaarado in la siiyo si ay wax uga qabtaan arimaha Somalia. Waxaa hubaal ah in dalalka Africa haystaan diyaardaha ah maraykanka iyo Ingiriiska ka baryayaan iyo waliba dhaqaale aad u tiro badan wax wayna looga qaban karo baahida Somalia iyo midda dalalka ay madaxda u yihiin intaba. Waxaa Afrikanka ayay caado u tahay in ay baryootamaan, waxaase madax ku sheegga Africa ceeb ku ah in ay dhaqaale iyo helikobtero waydiistaan dalalka Maraykanka iyo reer Europe oo ay ku yaalaan bangiyada ay ku kaydsanyihiin bilaayiinta dollar ee ay madaxda Africa ka xadeen dalalkooda iyo shacabka ay sheeganayaan in ay mataal.
Dhaqaalaha la siinayo ciidamada Amisom maa lagu dhiso ciidan Soomaaliyeed oo dalka nabadgalyo ku soo celya? DKMG ahi maxay caalamka u waydiisan la dahay taareego Somalidu maamusho iyo dhisme ciidan Soomaaliyeed kaasoo u baahan qarash aad uga yar midka Amisom la siinayo?
Madaxwaynayaasha Ugandha, Burundhi iyo kuwa kale ee ciidanka Somalia u soo dirayaaba waxay u dagaalamyaan sidii ay dhaqaale uga samayn lahaayeen joogitaankooda Somalia, waxaase wax laga xumaado ah kooxaha Somalia isku haye ee magacyada diinta Islaamka iyo DKMG ah sheegta oo aan iyagu meesha kana tagayn, waxna ka tarayn in ay shacabka xasuuqaan mooyee.
calicad@hotmail.com

asc,waxaan kacodsanaya dawladkusheegta iyo kooxaha diin ku sheegta iney dib isugu noqdaan oo ay wadankaan ay burburinin shacabkaan dhamaaday waa hore laxasuuqin,ilahay kabaqi meysaane dhulku haydinla go o intey nacirib tiri lahaayeen cidamo cusub oo kale ma ilawsantihiin in hada malin walbo shacab oo kaliya dhamaado waan yabanahay yaa u maqan umadaa somaaliyeed???/??????/??/??