Dagaal Ka Qarxay Gobolka Bari
Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Bari gaar ahaan meel si aad ah ugu dhaw halka loo yaqaano galgala halkaasi oo maalmahani dambe ay isku aruursanayeen kooxo sheegtay Islaamiyiin.Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Ciidamada Puntland ay ka warheleen in Koox Islaamiyiin sheeganeysa ay si aad ah iskugu abaabulayaan Buuraleyda galgala halkaasi oo markii dambe ay gaareen Ciidamada PIS-ta kuwaasi oo dagaal la galay kooxahaasi ka abuurmay buuraleyda galgala.
Maamulka Puntland ayaa arrinkaasi kadib waxa ay u diyaar gareeyeen ciidamo badan oo isugu jira kuwa milatariga iyo kuwa daraawiishta si ay u aadaan dhanka galgala halkasina ugula dagaalamaan kooxdani cusub ee kasoo ifbaxday buuraleydaasi Gobolka Bari katirsan.
Kooxaha Islaamiyiinta waxaa lasheegayaa in uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam, waxaana wararku ay intaasi kudarayaan in maleeshiyaadka ka dhinac dagaalamaya badankooda ay yihiin kuwa ay Alshabaab tababar kusoo siiyeen Koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale maamul Goboleedka Puntland ayaa ka gaabsaday arrinkani in ay ka warbixiyaan iyadoo mas’uuliyiintooda ay kugu koobayaan warkooda in buuraleyda loogu tagi doono kooxda meesha kasoo baxday oo xiriir la leh alshabaab laguna soo ciribtiri doono halkooda.
Magaalada Kampala, waxaa ka socda shirkii dalalka Africa waxaana la sheegayaa in ay ku kala aragti yihiin qaabka loo wajahayo dhibaatada qaangaarka ah ee Somalia. Waxaa jira dalal African ah iyo kuwo reer galbeed ah oo iyaga ujeedkoodu yahay la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Islamiyiinta Somalia kuwaas oo ujeedka kaliya ee ay leeyihiin yahay in aan Somalia laga hirgalin shareecada islaamka balse aan kala jeclayn in Somalidu dhibaatada ka baxdo iyo in kale. Waxaa kaloo jira dalal laga awood badan yahay oo iyagu jeclaan lahaa in si dhab ah loo wajaho dhibaatada Somalia hase yeeshee nasiib darro dalalka fikirkaan qaba Somalia wax ciidan ahi kama joogaan hadana uma soo socdaan. Waxay u badantahay in go,aanka Afrika ee Somalia uu ku ekaado la dagaalanka Islaamiyiinta iyo waardiyaha goobaha DKMG ahi hadda ku sugantahay oo kaliya, arintaasina waa jug jug meeshaada joog iyo shacabka Soomaaliyeed ee aan tshan karin inta hartay halla tir tiro.
Dhinaca koofurta Gaalkacyo, Cabdishukri oo ah gudoomiyaha ahlusunada Galmudug ayaa sheegay in ay ciidamadoodu sugayaan ammaanka koofurta Gaalkacyo. Cabdishukri ayaa sheegay in aanay maamulka Galmudug haysan ciidan ku filan sugitaanka ammaanka koofurta Gaalkacyo, wuxuu kaloo qiray in ay jiraan dhalinyaro aan cidna ka amar qaadan kuwaasoo jidgooyo u taallo koofurta Gaalkacyo.Gaadiidka ku safra wadada u dhaxaysa Galinsoor iyo Gaalkacyo ayaa had iyo jeer la kulma Isbaarooyinkii ay horay shacabka Somaliyeed ku arki jireen koofurta Somalia waxaadna moodaa in wadada u dhaxaysa Galinsoor iyo Gaalkacyo ay waqtigaan tahay deegaanka kaliya ee aad ku arkayso Isbaaro lacag lagu qaadayo iyo Mooryaan gaadiidka xabadaynaysa marka ay lacag ka waayaan.
Inkastoo Cabdishukri sheegay in aanay jirin xurguf u dhaxaysa kooxda ahlusunna iyo maamulka Galmudug ayaa hadana waxaa iska cad in aanay suurtagal ahayn in labo ciidan iyo labo masuul ka wada hawl galaan hal deegaan, waana arin iska cad hamiga siyaasadeed ee Cabdishukri iyo qilaafka ka dhexeeya labada masuulba. Shacabka deegaanka koofurta Mudug iyo gobolada dhexe uma baahna Isbaaro iyo tartan awoodeed ee waxay u baahanyihiin maamulka dib u soo celiya adeegga bulshada, dibna u fura dekadaha iyo airborada deegaanada gobolada dhexe.

asc, manaqaano waxaan ku hadalno hadaan nahay shacabkii somaliyeed waayo meel hadey wadaadadii leynayaan shacabka ayagoo diin beena ku dagalamaya meel hadey dadka dawlad isku shegaaya leynaayaan shacabkii meel haday ciidamada wadanka jooga oo ku marmarsiyooda iney dawlad ilaaliyaan oo maalin walbo shacabka somaaliyeed laaya bilaaa micna daro hubka uqeybiya suqyada iyo meelaha masaakiinta degan tahay meel hadii afrika oo dhan ushireyso xasuuqa somaalya waa yaabee intee naloo wadaaa?????????????????????????????????????????????????????
wayaabee inteen adnaaaa???????????????????????????????????????????????????
wayaabee sideen isku daba qabanaa?????????????????????????????????????