Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo Cadaado ku qaabilay dhiggiisa Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed C/llaahi Macallin Aadan “Tiiceey” ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Cadaado ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin oo saakay booqasho gaaban ku yimid magaalada Cadaado.
Masuuliyiinta labada maamul ayaa ka wada hadalay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada maamul oo ay ku kala nool yihiin shacab wada dhashay.
Kulkan ayaa daba socda kulamo isdaba joog ah oo bilihii la soo dhaafay ay yeelanayeen madaxda labada maamul, kuwaas oo ka kala dhacay gudaha iyo dibadda dalka, dhamaan kulamadaasna waxaa looga gol lahaa sidii nabad iyo wadanoolaansho wanaagsan looga dhex abuuri lahaa dadka walaalaha ah ee ku nool deegannada labada maamul.
Labada Madaxweyne oo kulankooda kaddib la hadlay saxaafadda gaar ahaan idaacadda codka Gobollada dhexe ee magaalada Cadaado ayaa sheegay inay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay iska soo qaadeen, waxayna tilmaameen inay magacaabeen labo guddi oo soo diyaariya xilliga la qabanayo kulan weyne lagu dhamaynayo dhamaan xurgufihii hore u jiray, looguna gudbyo weji cusub oo ay yeeshan dadka walaalaha ee ku kala nool labada maamul.
Masuuliyiinta labada dhinac waxay xuseen in la joogo xilligii labada dhinac ay iskaashan lahaayeen, waxna ay wada qabsan lahaayeen, beelaha walaalaha ah ee colaad u soo jooga ahna loo fahamsiin lahaa wanaaga wadanoolaanshaha, istexgelinta iyo wax wada qabsiga.
Dhinaca kalena, col. Caalin ayaa Cadaado u yimid sidii uu raaligalin uga bixin lahaa hadalo aan xiriirka labada maamul u fiicnayn ayna horay ugu hadleen xubno maamulkiisa ka tirsani.

ASC dhamaantiin waxaan idinku salaamay salaanta islaamka. salaan ka dib……… waxaa muuqato in loo gudbay waqtigii wanaaga iyo wax wada qabsiga iyo in la xaliyo wax yaabo badan oo u dhaxeeyay dadka walaalaha ah ee ku wada nool soomaaliya ama goboladeeda dhanba,, weliba waxa noo muuqato inuu maamulka ximaniyoxeeb soo bandhigay inuu wanaag u haayo walaalihiisa dirirtu horay u dhex martay shacabka deegaanka hada uu u cadeeyay galmudug inuu wixii hore xal laga gaari karo oo loo gudbo wanaag iyo wax wada qabsi walaalayaal waxaad qabateen wax aysan qabsan karin dadka kale ee ku dadaala inaad wanaaga waligiin ka sheekaysaan oo aadnan meesha uga harin arinta lagu heshiiyay… labadaan madaxweyne waxay noo cadeynayaan in soomaalidu heshiin karto oo wax walba wada hadal lagu dhamayn karo hadii ay daacadka tahay dadka wax ariminayo.. walaalayaal ku wada noolaada nabad wanaag iyo farxad aaan dhamaaaad lahayn ilaahayn ha idinku garab galo<3<3<3<3<3<3<3<3
asc.. waxaa wax lagu farxo ah in la garowsaday waxa qof walba dantiisu ku jirto siqiir iyo kabiir, taas oo ah namada, majiraan rag meel ku wada nool oo aan dagaalamin laakiin waxaa doqonimaa haday ka heshii waayaan, tusaale aqristow haddii aad dhashay wiilal is waydii imsa jeer ayay gagaaleen wiilashaadu waa sidaad oo kale.
maahmaah-doqon ayaa mooda meeshii lagu dagaalamay in lagu kala tagay, marka sikasta oo aan u dagaalano ilaahey ayaa nawada dhaliyay isku meelna nagu abuuray nabad la’aanteedna lama noolaan karo marka waa inaan ku dadaalnaa sidii aan uga shaqyn lahayn nada,haddii ay ahaan lahayd madaxdeena,duqeydeena,hooyooyinkeena iyo dhalinyadeenaba
Asc maansha allah waxaa fiicnaan laheyd sidi madaxwayne tiicay uu madaxwayne caalin go.aan ugaarikaro dhanka galmudug oo maalintastaa loogabaxo. Dadreerkoofur ah ayaa punland laga soo tarxiilay iyo wax lamida
asc,waxaa mahad eyn is kaleh ale iskukeenay 2bada maamul,waxaa mahad iskaleh umadii kashaqeysay iney heshiyaan midooban 2bada maamul waxaan ku farax sanahay wanaga iyo maamulka kajira beelahaas walaalaha ah hawsha sii wada dadalkana sii laba laaba ilahay garabkiina hagalo inta dhimana dalka oo idil nabad ale hakeeno amiin amiin amiin
Waa arin farxad leh in ay isku yimaadaan labada mas’uul oo ay kawada hadlaan sidii wax loo wada qabsan lahaa, laakiin waxaad moodaa Madaxweyne Caalin iyo mamulkiisa Galmudug in aysan wali u bislayn fahminna maamul wanaaga iyo halganka dhiig joojinta ah ee loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa shacabkan biri magaydada ah, maxaa yeelay shalay ayay ahayd markay isku haysteen madaxtinimada sidii in ay haystaan wadan horumaray hadana waata meelkasta isbaaradu taalo oo dadka lagu dilayo laguna dhacayo labada maamulna ka jirto koofurta Galkacyo, marka waxaan dhihi lahaa reer awoowgay khayr Allah hasiiyee wali waxbaa udhimane ee reer Ximan iyo Xeeboow arinka ufiirsada.