Dhismaha Xarunta Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Laga Bilaabay Caasimadda Cadaado

Waxaa dhawaan Caasimadda Cadaado laga bilaabay dhisme xarun cusub taasoo uu ku shaqayn doono maamulka Ximan iyo Xeeb. Xaruntaan ayaa lagu qiyaasay inay ku bixi doonto $35 kun oo dollar waxaana jaaliyadda iyo ganacsatada reer Ximan iyo Xeeb laga codsanayaa in ay ka qayb qaataan dhismaha xarunta cusub ee maamulkooda. Waxaa dhamaan shacabka reer Ximan iyo xeeb lala socodsiinayaa in ay wixii taageero ah ku soo diri karaan dhammaan xawaaladaha dalka ka shaqeeya, waxaana arintan looga qayb qaadan karaa qaab shaqsi shaqsi ah, magaalo magaalo iyo dal ahaan intaba.

Waxaan webkan ku soo bandhigi doonaa cidkasta oo arintan ka qayb qaadatay iyo wixii ay bixisay si Ilaahay ka sokoow shacabku u wada ogaado, maamulkana loogula xisaabtamo. Haddii aad jeceshahay horumarka deegaankaaga iyo dadkaaga ka qayb qaado hirgalinta mashruucaan.

Wada shaqayn wanaagsan.

Wixii faah faahin ah waxaad kala xiriiri kartaan madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb.

Mohamed A. Moalin-Aden “Tiiceey”
President of Himan & Heeb Regional Administration
Adado, Central Regions of Somalia
+2521 5322008 – Somalia
+2525 0987156 – Somalia
+254 720113012 – Kenya
+1 612 5984226 – USA
Email: tiiceey@hotmail.com
tiiceey@gmail.com

Comments (1)

Ahmed OmarJuly 25th, 2010 at 3:20 am

walaalyaal that is good work, but kindly can we know meesha loosocdo dhismo nuucee ah ayaa la dhisi rabaa, micnaha waxaan jeclaan lahayn in aan aragno marka ladhameeyo dhisma sida la rabo in uu u ekaado, naqshada oo la arko waxay wax katari kartaa go’aan qaadasha qofka wax bixinaayaa, bcse hadaba waa jirtaa xaruun ee tani maxay uga duwan tahay taas

Leave a comment

Your comment