Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha Gudaha oo safar shaqo Kenya u aaday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdigaan ayaa booqasho shaqo oo laba maalin qaadan doonta ku aaday dalka Kenya waxayna halkaas kulamo kula yeelan doonaan wakiilo ka socda beehsa caalamka iyo hay’adaha Qaramada midoobay.
Sh. C/qaadir cali cumar wasiirka arrimaha Gudaha oo inta uusan ka duulin garoonka radio Muqdisho la hadalay ayaa sheegay in uu kulamo Nairobi kula qaadan doono beesha caalamka ayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin taageerada ay u baahanyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qalab iyo dhaqaalaba, sidoo kale wasiirlku wuxuu sheegay in laga wada hadli doono hormarinta maamulada dalka iyo dhismahooda.
Waxaa wafdiga wasiirka uu hogaaminayo ka mid ah wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah,wasiiru dowlaha qorshaynta qaranka iyo xubno kale oo labada gole ka tirsan.
xigasho, Raadiyo Muqdiaho
