Ma Doonaysaa In Aad Ka Qayb Qaadato Horumarka Dhalinyarada Ximan Iyo Xeeb?
Haddii aad doonayso in aad ka qayb qaadato horumarinta dhinaca waxbarashada dhalinyarada Ximan iyo Xeeb fadhlan la xiriir ururka Iftiin Education And Development Association. Sawirka aad kor ku aragtaa waa masuuliyiinta ururka waana dhalinyaro aad u da yar balse garatay baahida waxbarasho ee haysata jiilka soo koraya.
Haddii aad danaynayso in aad ka qayb qaadato horumarinta waxbarashada dhalinarada Soomaaliyeed qaasatan dhalinta soo koraysa ee Ximan iyo Xeeb waxaan kula socodsiinaynaa in aad la xiriirto ururka Iftiin oo ah urur ay ku midaysanyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada waxbarasho la,aaneed ee haysata jiilka soo koraya.

Sawirkan waxaa ka muuqda A/xaafidh Salaad Gureey iyo C/qadir Cilmi Calicad waana shir lagu qabtay magaalada London ayna soo abaabuleen masuuliyiinta ururku.
Qorshaha waxqabad ee ururka ayaa waxaa ka mid ah in sanadkan 2010 laga hirgaliyo labo school magaalooyinka Hobyo iyo Godinlabe, waxaadna waxqabadkooda ka arki kartaan websitekooda. Waxaan kaloo idin xasuusinaynaa in aad Online ku bixin kartaan wixii taageero ah oo aad doonaysaan in aad uga qaybqaadataan mustaqbalka dhalinyarada reer Ximan iyo Xeeb.
Waxaa xaqiiq ah in Jaaliyadda Ximan iyo Xeeb ee Qurbaha iyo ganacsatada deegaankuba wax wayn ka badali karaan mustaqbalka dhalinyarada aan adeegga waxbarasho haysan ee deegaanka ku nool. Waxaa loo baahanyahay in aadan naftaada ku qancin in qof kale arintan u istaagayo ee haddii ay arrin sax ah kuula muuqato fadhlan ka qayb qaado. Xasuuso in aad $10 dollar oo aad bilkasto dhiibto ku dhisi karto mustaqbal walaalkaaga ama walaashaada dada yar ee aan fursadda waxbarasho haysan.
Wixii faah faahin ah kala xiriir websiteka ururka oo ah:Iftiin Education & Development Association.com

AscWrWb, Magaceega waa Bashir Shurie, I would like to say thanks and weldone to you young guys who stood up to rebuild whats left of our homeland. Inshalah, as I always dreamt of one day be part of you guys. I have in the past worked with diasporer like ‘Gaariso, Abdisabir Nur-who is my uncle’ but inshalah count me in. Success begin from home. One day we will have sucessfull educational instutes with manny branches in mogadishu, dhusamareeb, everywhere in Somalia, but first let us build our root, than only with the help of Allah we can continue catering other places. WSWRWB
asc waxaan aad iyo aad ugu farahsanahay maamulka ximan iyo xeeb waxaana kula talinayaa in ay dhaxdhaxaad ka noqdaa siyaasada dalku hada kujiro ayna taageeraan xaqa iyo shareeca islamkana isku dhaqaan waxaan jecelahay in aan dhamaan saaxiibadeyda ku waaniyo sidii aan maamulka taageero wax ku uul ah u siin lahaa hadii ALLE idmo
Asc dhaaman aqiyarta gabdho iyo wilal intaas kad ib waxaan aad ugu fararaxsanahay hormarka ay wadan dhalinyarada siiba qurbaha jogta anaguna qorbaha ayan geeskena ka jognaa gaar ahan iftin education anad development wax qabadka realka ah ay mujiyen aad ayan idinku tagersanahay hadan nahay dhalinta wax barata ee besha gaar ahan reer malaysia waxaan leyahay howhsa wada yaan laga caajisin anaga ayaa nala sugayaa ee dadkale uma maqna