19 Sano Jaalle Siyaad Kadib Maxaa Somali U Qabsoomay?

26ka Janaayo Oo Ku Beegan Bur Burkii Xukunkii Jaalle Siyaad, Maxaa Somali U Qabsoomay, Maxaase Ka xumaaday, Yaase Masuul Ka ah?

Inta aannan u guda galin cidda masuulka ka ah dhibaatooyinkii ay shacabka Soomaaliyeed soo mareen xilligii uu dalka xukumayay kaligitalihii Jaalle Siyaad iyo kuwa Somali ku habsaday 19kii sano ee ka danbayeeyay maalintii uu madaxtooyada ka huleelay Jaalle Siyaad, waxaan jecelnahay in aan haddii aan nahay maamulka ximaniyoxeebaha.com shacabka Soomaaliyeed dib u xasuusinno in ay bishan Janaayo 26, 1991 ahayd maalintii Madaxtooyadii dalka ururkii USC ka cayriyeen Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo tageerayaashiisii.

Waxaa maalintaas shacabka Soomaaliyeed wajiyadooda ka muuqatay farxad, waxayna u haysteen in ay heli doonaan dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku maamusha dalka. Waxay shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan taageerayaashii Siyaad Barre u haysteen in Somali waa cusubi u baryi doono ayna ka raysan dooto taliskii qabyaaladda ku dhisnaa ee Jaalle M. Siyaad.

Waxaan si gaar ah ula soconaa qaybtii libaax ee ay reer Ximan iyo Xeeb ka qaateen jabkii ku dhacay dawladdii Maxamed Siyaad iyo waliba geesiyaashii geerida u qaabilay garbaduubkii ina Siyaad. Waxaa kaloo in lays xasuusiyo muddan in dawladdii ina Siyaad xasuuq iyo gudob fal qabyaaladaysan u gaystay shacabka reer Ximan iyo Xeeb taasoo runtii sabab u ahayd is xilqaankii gaarka ahaa ee dhalinyaradii gobolku ka muujiyeen halgankii lagu anbabixiyay odaga. Taladii la majara habaabiyay iyo ujeedkii shacabka Soomaaliyeed ee laga leexday iyaga halkaan kuma soo koobi karno.

Masuuliyadda dhibaatooyinkii dhacay iyo kuwa haatan wali sii socda waxaan qabnaa in intooda badan dusha laga saaro duq Jaalle M. Siyaad waayo miraha maantay shacabka Soomaaliyeed guranayaan waxay ka baxeen geedkii qabyaaladda ee uu isagu beeray. Qabyaalladda, gobolaysiga iyo jufa jufaysigu waxay ahaayeen hannaankii uu doonayay inuu kursiga ku sii haysto, waxayna nasiib darro noqdeen qaabkii isagana meesha looga tuuray. Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso sidee Siyaad Barre masuul uga noqon karaa dhibaatada maantay dalka ka taagan ee ay kooxaha diimaha iyo qabiiladu shacabka ku hayaan? Waxaan is xasuusinaynaa in nidaamka dawliga ahi ku shaqeeyo barnaamijka waqtiga fog iyo midka waqtiga dhow, taas waxaa loola jeedaa in qofkii nidaam xun dajiyaa masuuliyadeeda qaadayo inta nidaamkaas lagu dhaqmayo xataa haddii kun sano ka soo wareegto, qofkii nidaam wanaagsan dajiyaana waa sidaas oo kale.

Waxaa nasiib darro ah 19 sano kadib shacabka Soomaaliyeed dawlad la,aan ahaadaan, in ay wali qabyaalad isku dilayaan, in ay aduunka oo dhan xumaan iyo dawlad la,aan caan uga noqdaan. Maxamed Siyaad maantay ma noola waxaana masuuliyaddu saarantahay qof kasta oo Somali ah, waayo waxaan aaminsanahay in qof kasta oo Somali ahi wax qaban karo. Waxaa maantay dalkeenii iyo dadkeenii iskaga soo hor jeedaan kooxo kooxo diin sheeganaya, qabiil qabiil iyo gobol gobol. Waxaa luntay rajadii laga qabay in dib danbe loo arko qaran Soomaaliyeed ee isagoo sharaf leh si xushmad leh uga soo dhex muuqda bulsho waynta caalamka, waxaana Soomaali oo dhan ka qiimo batay 4000 oo askari oo reer Uganda iyo Burundhi ah waayo waxaad arkaysaa madaxwaynihii dalka oo salaad tukanaya ayna gaar ka hayaan ciidanka Ugandha.

Waxaan ka mid ahay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku noolaa xilligii Maxamed Siyaad dalka laga saarayay, waxaan filayay in aan dalkayga dib ugu noqon doono anigoo ku faanaya in aan Somali ahay, waxaase nasiib darro ah in aan maantay ka xishoodo in aan Somali sheegto, arrintaasi waa mid ay ila qabaan qurbe joogga Soomaaliyeed iyo waliba qof kasta oo Somali ah dalkana dibadda uga baxaa waayo marka aad tiraahdo Soomali ayaan ahay, waxaa lagu leeyahay ”Soow kuma faraxsanid in aad dalkaan joogto”? waayo caalamku waxay la socdaan foolxumada qaan gaarka ah ee dalkeenii iyo dadkeeni ku habsatay waxayna noo arkaan qoon xaq u yeeshay in la yaso.

Ceebihii Maxed Siyaad waxaa qariyay kuwii ka danbeeyay, waxaadna moodaa in xukuumadaha Somalia soo mara mid waliba duugayso ama qarinayso ceebaha iyo waxtar la,aanta middii iyada ka horaysa. Waxaana la oran karaa dawlad xumi,dawlad la,aan ayay dhaantaa hase yeeshee arrintu waxay taagantahay Ayax tag eelna reeb.

19 sano kadib, Somali dal iyo dad midna uma dhaqna, haatanna inkastoo aan naxariista Ilaahay laga quusan waxaaba soo baxay kooxo u caabboon xasuuqa shacabka kuwaasoo la oran karo way ka dhib badnaan doonaan fikirkii qabyaaladda ku dhisnaa waayo waxay koox waliba sheeganaysaa in ay iyadu muslim tahay, midda kalena ridowday. Toloow ma 19 sano oo kale ayay dagaalka wadi doonaan iyaguna? Umad waliba aayaheeda inay garato iyadaa leh.

w/salaam

C/qadir Cilmi
Calicad2003@yahoo.com

Comments (2)

NASRAJanuary 29th, 2010 at 5:20 am

AYAX TAG EELNA REEB, KUGU RAACSANI WALAAL.

SabriyeFebruary 12th, 2010 at 7:50 pm

aniga waxaan wax ku bartay wax barashadii lacag la aaanta ahayd ilaa
jaamacad oo wali cunto lagugu daraayey, Maraykan oo wadan wayn ah

jaamacad lacag la,aan ah ma halaysid hadana cunto lagugu deraayo.

woxow sameeyey wax kasta horomar ah, waa i anfacay waana ku shaqaystaa , aniga beelaha hawiye waa ka dhashay abaalna waa uga haayaa waxow sameeyay siyaad barre ,sababtoo ah qabiil oo aaqiro wax kuu taraynin dhinacayga ma ku gadahaayo qabiilkiisa waxaa siiyey dad rabay inay cuqdad dad ka galshaan.

taas waxaa cadayhaa inowsan tuug ahayn . ow dalka iyo dadka u shaqayhaayey.guri kama dhisan , lacag meel ma dhigan.

laakiin intow hawiye lahaa siyaad barre ciddiisa ma haysan. laakiin hawiye waxaa qaatumada dhaafsiiyey qabiil.

waxaad biliqaysateen wixii aduun soomaaliya yaalay markii la fiirsho mudisho ,

laakiin dadka ximan iyo xeeb ku soo celsha wixii biliqo ahaay oo aad xuubsateen dhul iyo cir guri iyo banaan .
aduun wax idiin tari mee aaqoro cinqaab aa idiin danbayso ala ka magan.

hunguri aad wax ku dumiseen ,aaqirana holac ay idin ku naqahee.

wixii illahay laga magan galayey aad ku aad wax ku raadisaan .dhiig dad ,xoolo dadow,bililiqo intee tagaydaan aaqiro naar aad isku aruuraydaan,illahow na ilaali

Leave a comment

Your comment