Somali Nairobi Lagu Xir Xiray
Waxaa Boliiska dalka Kenya Hoteeladii iyo guryihii ay Nairobi ka deganaayeen ugu dhaceen dad badan oo Somali ah ayna ka mid yihiin xildhibaanno iyo saraakiil Somaliya caan ka ah.
Kadib banaan baxii rabshadaha watay ee ka dhacay masaajidka wayn ee ku yaalla magaalada Nairobi ayaa waxaa soo kordhay raafkii iyo xariggii sharcidarada ahaa ee horayba loogu hayay dadka asalkoodu Somalida yahay ee ku nool Kenya qaasatan magaalada Nairobi.
Dadka hoteelada lagala baxay xabsigana lagu hayo ayaa waxaa ka mid ah ilaa iyo kudhawaad labaatameeye xildhibaan ku sheeg oo Somali ah iyo waliba jeneralka fadhiidka ah ee sida wayn looga yaqaan Somalia Jen. Galaal.
Dawladda Kenya waligeed ayay caado u ahayd in ay inta xabsiyada ku gurto dadka Somalida ah kadibna lacag lagu soo daayo ama ay gadato. Waxaa dalka Kenya deggan Somali badan oo nuuc walba leh, waxaa dalkaas yaalla hanti farabadan oo ay Somalidu leedahay hase yeeshee qofka Soomaliga ahi waligiis wax xuquuq ah kuma yeelan dalkaas xataa haddii uu ku dhashay, waxaana arintaasi kuu caddaanaysaa marka aad aareboorada Kenya tagto ama aad Nairobi qaasatan xaafadda Islii gaarto .
Baryahaan danbe waxaa arinta cirka ku sii shareeray qolooyin diinta Islaamka magaceeda ku qaraabanaya kuwaa soo aan ka fakarayn dhibaatada ka imaan karta falalka qaldan ee ay ku kacayaan.
Dhinaca kalena waxaa Kenya caadaysatay in ay gadato dadka Somaliyeed waxaana oran karnaa haddii aad Somali tahay aadna doonayso in aad gumaysi ku hoos noolaato Kenya ku nooloow.
Su,aashu waxay tahay maxay xildhaanno ku sheegga iyo jeneraladu dalkoodii hooyo ku naceen ugana door bideen in ay ku hoos noolaadaan dulliga Kenya? jawaabtu waxay tahay xildhibaanada iyo jeneralada Nairobi ku sugani markii horeba ma mudnayn in masuuliyadda ay hayaan loo dhiibo waayo dalkoodii iyo shacabkii ay u dhaarteen ayay ka door bideen in ay addoon u noqdaan reer Kenya.
Gunaanadkiina waxaa in lays xasuusiyo mudan in aan qofna sharaf iyo xuquuq uu dalkisii ku waayay ka helayn dal shisheeye oo waliba caadaystay ama ay dhaqan ka tahay inuu Somalida sida xoolaha oo kale inta suuqa ka qab qabto hadana xoriyadooda dib uga iibsado.Haddii aad xildhibaano tihiin dadkiina iyo dalkiina dhibaatada la qaybsada, haddii kale iska dhiga magaca beenta ah ee aad huwan tihiin, waxaana xaqiiq ah in aad mudan tihiin waxa Kenya idinkula kacday, waxaanse ka xumahay in aadnan waxba ka baran doonin dhibka idinku dhacaya.
ximaniyoxeebaha.com
