Dhiigga Shacabka Somaliyeed Oo Dal Iyo Dibadba Daadanaya

Waxaa cirka isku shareeray dagaaladii ka socday Gobolada dhexe ee Somalia iyo magaalada Muqdishu. Waxaa quus taagan rajadii ay qurbejoogga Soomaaliyeed ka qabeen in ay mar uun dalkoodii hooyo oo nabad ah dib ugu noqdaan, halka ay inta badan dhalinyradii dalka ku hartayna la ildaran yihiin cudurka buufiska loo yaqaan.

Sida aad la socotaanba waxaa sii xoogaystay dagaaladii u dhexeeyay kooxaha magaca diimaha wata iyo waliba midkii DKMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda. Gobolada G/Gaduud iyo Hiiraan waxaa qul qulaya dhiig dad Soomaaliyeed oo aan la garanayn waxa ay u dhimanayaan marka laga reebo in koox waliba ku andacoonayso in ay deegaan banaan oo aan waxba ku ool ka qabsanayso midda kale. Dawladii Somalia loo soo dhisay iyaduna uma eka mid hanan karta ujeedkii laga lahaa waayo waxaa iskugu darsamay dhibaatooyin wajiyo badan leh iyo mucaaradad hadba koox cusubi ku soo biirayso. Waxaa kaloo iska cad in aanay masuuliyiinta DKMG ahi lahayn xirfad siyaasadeed iyo xoog ciidan oo ay mucaaradkooda ku furdaamiyaan midna.

Dhinaca kalena ciidanka Amisom ee Muqdishu joogaa dalka uma imaan wax ka wayn in ay waardiye ka hayaan dekadda, Airoborka iyo madaxtooyada haddii tiradooda la soo kordhiyana wax isbadal ah laga fili maayo. Dalka Congo waxaa ku sugan 25000 oo ciidan UNta ka socda ah wax aan ahayn in ay gabdhaha saqiirka ah kufsadaan oo ay dalkaas ku soo kordhiyeena ma jirto. Xataa markii madaxwaynaha dalkaasi codsaday in ay dalka ka baxaan waa laga diiday waayo xoog uu ku saaro ma leh.

Alshabaab, Xisbulislaam, Ahlusunna iyo DKMG ahi haddii ay dad Soomaaliyeed yihiin dalka iyo dadkana u naxayaan maxay u arki waayeen dhibaatada shacabkoodu ku sugan yahay? maxay wax uga baran la yihiin dalalka kale ee dhibaatadeena oo kale soo maray inkastoo uu caalamka ku yar yahay dal sida Soomaalia oo kale 20 sano dadkiisu is cunayeen.

Kuwa maamul goboleedyada sheeganayaa waxay ku miyir beeleen yaa reer hebel ah iyo Ethiopia in ay u cararaar markii rasaasta ay shacabka Soomaaliyeed ku xasuuqayaan ka sii yaraataba. Kuwii culumada sheeganayay waxay maantay marayaan heerkii ay kufaartu la damacsanayd waxayna ku dhaceen dabinkii cadowgooda iyo midka Muslimiinta ee ahaa in muslimiinta midba midka kale dilo si ay iyagu inta hartay ugu tashadaan.

Waqtigii ay kooxda Alshabaab qabsanayeen G/Galgaaduud ciidanka Ethiopia waxay haysteen Baladwen iyo halka loo yaqaan (Jenta kundishe) iyo waliba magaalo madaxdii dalka ee Xamar, hase yeeshee waxay go,aansadeen in ay inta Etoobiyaanka soo garab maraan yiraahdaan waxaan qabsanaynaa G/Galgaduud oo sida aad la socotaanba ahayd gobolka loogu nebcaa ciidanka Etoobiya ee dalka qabsaday, looguna taageerada badnaa midowgii maxaakiimta Soomaaliyeed ee ay Alshabaab ka midka ahaayeen. Waxaa kaloo intaas ka sii daran in maantay oo dhalinyaradii Soomaaliyeed ay xasuuqayaan kooxaha magaca diinta Islaamka ku qaraabanaayaa ayna madaafiic la dhacayaan intii ka hartay shacabkii iyo maatadii Soomaaliyeed in ay wali dalka Somalia meelo badan oo ka mid ah ku jiraan ciidankii Etoobiya iyagoo waliba rasaasta iyo madaafiicda iskugu dhiibaya kooxaha dagaalamaya.

War Ilaahay ka baqa! Etoobiya iyo cadowga kale ee Somalia ujeeddo ayuu leeyahay ee adinku maxaad doonaysaan? Ma waxaad doonaysaan in cadow gumasto inta soo hartay? maxaa ka soo baxaya dagaalkiina? Bal dib u eega kuwa hubka iyo madaafiicda aad shacabka ku xasuuqaysaan idiin soo dhiibay, kuwa koox kooxda iyo urur ururka inta idiin qaybiyay taageerada beenta ah idinla garabka taagan. Miyaanay dagaalkiina ka haboonaan lahayn adinkoo inta midooba nabadgalyada dalkiina sugta? Miyaydnaan ogayn in kuwa adinkoo wada muslimiin ah, Somaalina ah isku kii diraya in dalalkooda ay ku wada nool yihiin malaayiin dad ah oo qaarba diin haysto, qaarba dal gaar ah ka yimid balse nabadgalyo ku wada nool? Magacii Soomaaliyeed maantay wuxuu noqday mid sheegashadiisa laga xishoodo waxaana garan kara qofkii caalamka ku safray iyo midkii caqli Ilaahay siiyay.

Soomaali kii qurbaha joogayna quus ayuu ka taaganyahay inuu noloshiisa dalkiisii oo nabad ah dib u arko, midka wali gudaha joogaana wuxuu buufis ugu dhacay sidii uu meel uun aduunka ka mid ah mar ugu bixi lahaa. Maxaan kula yaabnaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan waligood nabadda iyo dawladnimada midna arag, gar ayay u leeyihiin in ay badaha ku baa, ba,aan waayo 17 sano waxay ku so jireen dagaal oge qabiil, haatanna waxaa u bilowday dagaal ooge diimeed.

Ilaahay naxariistiisa lagama quustee dhalinta Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay iska diidaan u adeegidda qab qable yaasha diimaha iyo kuwa qabiilka labadaba una midoobaan sidii ay dalkooda nabad galyadiisa iyo qaranimadiisa dib ugu soo ceshan lahaayeen.

Kooxda DKMG ah iyaga waxaad moodaa in ay qaladaadkooda qarinayaan kooxaha magacyada diinta ku waashay ee shacabka xasuuqiisa banaystay hase yeeshee waxaa iska cad in aanay ahayn dawlad qaadi karta masuuliyadii ay u soo dhaaratay. Masuuliyiinta DKMG ah waxaan u arkaa kuwo aan wax weyn ka duwanayn kuwii ka horeeyay waayo iyaga ayaa masuuliyadda shacabka dusha u soo ritay waxaana la gudboon in ay ama wax muuqda qabtaan ama xilka iska casilaan. Waxaa meesha ka cad in aanay kooxda SH. Shariif iyo ina C/rashiid in aanay isku arag in shacabka Soomaaliyeed masuuliyadi ka saaran tahay, waayo haddii ay masuuliyadi ka saarantahay shacabka Soomaaliyeed waxaad arki lahayd iyagoo ku dadaalaya wax u qabadkooda ama xataa ka hadlaya dhibaatada loo gaysanayo maatadii ay u soo dhaarteen. Dhabcan waxay sugayaan inta waqtiga yar ee loo soo qabtay ka dhamaanayo, kadibna waxay mari doonaan wadadii ay kuwii ka horeeyay mareen, waxaan filayaa in sii diyaar sadeen dalakii ay iska dhiibi lahaayeen marka shirka dib u heshiisiinta beenta ah ee nagu soo fool leh looga yeero.

ximaniyoxeebaha.com
calicad2003@yahoo.com

Leave a comment

Your comment