Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Xildhibaano ka socda DKMG ah, masuuliyiin, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Ximan iyo Xeeb ee dalka Kenya. Read the rest of this entry »
Waxaa la gaaray 10kii cisho ee ugu danbeeyay bisha barakaysan ee Ramadhaan. Waxaa soo dhawaatay Ciiddii iyo bixintii zakaatul Fitriga. Sida aan la wada socono dalalka Europe iyo North America waxaa sakatul Fitriga iyadoo lacag ah lagu aruuriyaa masaajidda kadibna waxaa loo diraa dalalka ay ku nool yihiin dadka baahan ee Muslimiinta ahi iyadoo dadka loo wakiishay ay lacagtaas u badalaan raashin ama cuntadii ay masaakiintu xaqa ugu lahaayeen kuwa wax Alle siiyay. AQRISTOOW MA GARAN KARTAA CID SAKADA MAANTAY UGA HABOON SHACABKA SOMAALIYEED? FADHLAN SAKADA U DIR DADKA XAQA U LEH. Read the rest of this entry »
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sawiradii ugu danbeeyay ee caasimadda Ximan Iyo xeeb ee Cadaado.Waxaa sawirka kore oo laga soo qaaday xaafad ka mid ah xaafadaha caasimadda Cadaado aad ka dheehan kartaa sida magaaladu u camirantahay ayna shacabku nabadda ugu naaloonayaan Read the rest of this entry »
Saxiix Al-bukhari
Cabdullaahi ibnu Mascuud Allaah haka raali noqdee Nabiga (SCW) wuxuu yiri: ” Qofka Muslimka caydiisu waa faasiqnimo, dilkiisuna waa (camal) gaalnimo.”
Saxiix Al-bukhari..
Waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka Ximan iyo xeeb lala socodsiinayaa in dhawaan caasimadda maamulka ee Cadaado lagu qaban doono doorashadii madaxtinimada ee maamulka Ximan iyo Xeeb.
Dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa xiliga doorashadu dhacayso, waxaase laga codsanayaa dhammaan aqoonyahanka iyo shacabka Ximan iyo xeeb in ay taageeraan doorashada maamulka Ximan iyo xeeb si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka, loona adkeeyo jiritaanka maamulka ay dhisteen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka hoos yimaada maamulka Ximan iyo xeeb. Guusha shacabka ayaa iska leh, waxaase dhammaan waxgaradka laga codsanayaa in ay si toos ah iyo si dadbanban uga qayb qaataan sidii loo xaqiijin lahaa ujeedooyinkii loo dhisay maamulka Ximan iyo xeeb.

Doorashada madaxwaynaha iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa iska kaashanaya dhammaan shacabka Ximan iyo Xeeb meel kasta oo ay joogaanba.