Dhiigga Shacabka Somaliyeed Oo Dal Iyo Dibadba Daadanaya

Waxaa cirka isku shareeray dagaaladii ka socday Gobolada dhexe ee Somalia iyo magaalada Muqdishu. Waxaa quus taagan rajadii ay qurbejoogga Soomaaliyeed ka qabeen in ay mar uun dalkoodii hooyo oo nabad ah dib ugu noqdaan, halka ay inta badan dhalinyradii dalka ku hartayna la ildaran yihiin cudurka buufiska loo yaqaan. Read the rest of this entry »

Maamulka Iyo Shacabka Ximan & Xeeb Oo Looga Baahanyahay In Ay Dhawrtaan Nabadgalyadooda.

>Waxaa sanadka cusub ee 2010 gobolada dhexe ee Somalia ula dhashay colaad iyo dhiig ay daadinayaan kooxo diimeedyo siyaasadaysan. Kooxahaan ayaad moodaa in mid waliba midda kale diinta Islaamka ka saarayso ayna bannaysanayso dhiigooda halka dhinaca kalena ay koox waliba guluf ugu jirto sidii ay u qabsan lahayd deegaano cusub iyadoo aan wax dan ah laga lahayn dhiigga shacabka muslimiinta ah ee daadanaya, shacabka maatada ah ee barakacaya iyo maagaalooyinka la bur burinayo midna. Read the rest of this entry »

Madaxwaynaha Oo Booqday Ciidamo DKMG ah Loo Tababarayo.

Madaxwanaha DKMG ah ayaa booqday xarun tababar uga socday ciidanka XD Somalia. Maxaa sawirka kaaga muuqda?
Madaxwaynuhu wuxuu la dardaarmay ciidanka cusub ee tababarku u socdo,wuxuu ciidanka ku guubaabiyay in ay dalkooda difaacaan isla markaasna aanay iibsan hubka la siin doono.Marka aad eegto dhibaatada ka muuqata raggaan ciidanka ah wajiyadooda maxay akhristoow kula tahay? Read the rest of this entry »

Maamul Goboleedka Puntland Muxuu Uga Duwanyahay Maamulada Kale Ee Dalka Ka Jira?

Sida aad la socotaan waxaa bur buray heshiis lagu waday in ay kala saxiixdaan Maamulka Puntland iyo midka DKMG ah. Waxaa heshiiska horay u saxiixay Ra,iisulwasaaraha DKMG ah wuxuuse bur buray kadib markii ay Nairobi ku kulmeen labada madaxwayne waa midka Punland iyo kan Somalia. Read the rest of this entry »

Mustaqbalka Dawladda Sh. Shariif Muuxuu Uga Duwanyahay Kuwii Ka Horeeyay?

Marka hore mustaqbalka Ilaahay oo kaliya ayaa garanaya, hase yeeshee marka aad eegto dhaqanka iyo waxqabadka DKMG ah ee uu madaxaynaha ka yahay Sh. Shariif waxaa qof kasta oo maskax leh u soo baxaysa in marka laga reebo taageerada ay dawladani ka helayso caalamka in ay hadana saadaashu u egtahay in ay ku danabyn doonto shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qaban jiray hadba mid ka mid ah dalalka dariska kadibna lagu soo dhisi jiray waxa loogu yeero Dawlad ku meel gaar ah. Read the rest of this entry »

Taariikhda IMaam Shaafici

Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas xaafith al-bayhaqi, ibnu-abiixaatim iyo xaafith ibnu-xajar al-casqalaani dhamaantood alaha unaxariisto ragaas kadib Qofka ku shakiya daraja imaamu shaafici wuxuu lamidyahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay. Taariikhda imaamka waxaan kasoo guuriyay kitaabka layiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu-xajar al-casqalaani) Read the rest of this entry »

←Older