|

Gabay: Allaha U Naxariistee Siciid Sh. Maxamuud

Gabay qadarin mudan waxaa tiriyay halyeygii Saciid Sh. Maxamuud  Gacamey

 

Dunidii sabaan baa ka dhacay, saxo kaliileede

Suluf iyo abaar, iyo colaad, soohan laga sheegye
Saxal baa ku dhacay, uumiyihii, sun iyo baaruude

Saymuhu halkey gali jireen, soofna laga waaye
Sareedada dadkii haysan jiray, saxal ku weynaaye
Saaciyo Mariiqii wacnaa, seege waayahane

Xidigii sarayn jiray, wakaa saaka foorara’e
Sanka duul ka xiran baan nahoo, seeto loo dhigaye
Sodan guura baa lagu, jiraa saamo gadataahe
Waa silic ku joog iyo, gunimo sabab la’aanede

Cirkuna waa sawaarayn jiree, sagalki loo diidye
Samartiino weeyaan hadaad, Guga sugaysaane
Sanadkii inuu baaqdey, baa sahan ku sheegeene

Oo saahiro banana baa cidii, saabka loo dhigaye
Geelu wuxuu ka soofaa caradii, soomanka ahayde
Sadna kuma hayoo, waa dhulkii saymo raagsadaye

Sinbiriiraxadu waa waxaa solay, jirkeygiiye
Soofaha wax gooyiyo, birtuba, sahan afkoodiiye
Samaha iyo qayradku, way iga sokeeyaane
Sakaraadka iyo mowdka dhaca, waw sigtoonahaye
Inta seeftu ciida iga taal, mooyi saan noqone

Yaan la kala saraynbaa, qalqiga loogu saar tumaye
Sokeeeyiyo, qabiil iyo xigtey, noo sardahayaane
Soomaalidu hanoolato, aan waana lagu seexan
Waxay hadal ku suub sanahayaan, siman dadkeeniiye

Hayeeshee sal iyo baar, macnaha waan la soconaaye
Waxa suuqa yaaliyo, jirada uunka wada saaqday
Safarada iyo gaajada, dadkii seeda ka idleysay
Saqiir xalay dhashaa waa ogyahay, xaalku suu yahaye

Marse hadaan saadaashii furay, saami qabarkeyga
Oo aan seexan waayee, hurdada salaley oo toosay
Oo waliba sawaare cilmi, qayb saaray dibintayda
Saluug buu I taray, beyd guntane, saan u faashadaye

Cimradii sokeeyaha jaclayd, iima soo bixine
Somacii lugaha seexan jiray, sidig dariiqiye
Hadaan geed la siibiyo, cagaar lagu sabaalaynin
Sideed inuu ku reer galo, ankee suuro gali waydey

Moorada sadexan waa Afyuub, waxa sameeyaaye
Mid hagaaga seexdiyo, Bayaad dabinka kaa saara
Kol hadaan Guntane, suulku hara calaf ku siineynin

Waan lagu sal dhigin, bayd walaal, kaa salaan tagaye
Lama sugo sidiisaba hadaan, soofka loo dhigine
Garba raarka waa kaa samada, saaran oo tagaye

Safarlaaxig baa xigi lahayd, saacad dabadeede
Nulqaduu sareedada u waday, saaka ka irdhowye
Waxa Kooshin ii sabanayaa, waa suf iyo beene

Afartaa sifeeyaye, hadaan sadar kale u laabto

Waxba yaan sintaaca, iyo kursiga la isku saabayne
Waxba yaan, sariiraha sharaxan suxulku aasnaane
Waxba yaan, sigaarkiyo qamriga sooryo loo bixine

Waxba yaan, saraha fooqa dheer saami loo gadane
Waxba yaan, bangaha jeeg sawiran, Saynab loo dirine
Waxba yaan, saxiix iyo qoraal, qalinku saarnaane

Waxba yaan, ninkaan saatan rabin, saawir loo tumane
Waxba yaan, sandhuublaha cabsida, sahan la koorayne
Waxba yaan, sakiintiyo midida, suulka lagu hayne

Waxba yaan, orgiga sararta wayn, Suuban loo qaline
Waxba yaan, sareeyaw habluhu kuugu sacabayne
Waxba yaan, Sacuudiga latagin, saacad dabadeede

Waxba yaan, sabool baa nadiley, saaxib loo orane
Waxba yaan, baryaan subaxna harin, loogu sii socone
Waxba yaan, sinaan iyo midnimo lays sabaalayne
Waxba yaan, siyaasada guracan, sookac lay orane

Hadii aad sasabo noo wade, surinka noo jiiftay
Surka qabo hasiidayn hadaad, xarig u soo haysay
Ogoow sidigta waa diidantahay, sulub hasheeniiye

Sanad yaashii ay naga gurayd, suuxnay gaajada’e
Salaaf kiyo dhukaankii ka hare, shilinti saarayde
Oo waa soo sadgoysoo bariba, Saafi way dhaliye

Waysalaaxi doonaan ragii, soomanaan jiraye
Suusac iyo dhiyadii hadii, Eebe naga siiyo
Soo dhaweeya haamaha, dad yahaw gaarney sami hiiye

Soofkana Nugaal baa wacnaa, seerihii Muduge
Sumaddii horaa looga dhigi, sabada Hiiraane
Sinjigeeda nimankii lahaa, lagama saanyoone

Sinta Dabare inay daaqdo baa, Saafi loo wadaye
Soomaalidaa eegatoo, saami ku lahayde
Samawade Abgaal baa jeclaayo, keenay sahaydiiye

Sadex Cali Caray baa iyana, seefahii tumaye
Inuu Cayrna saanada ugurto, waa la soo saxaye
Saleebaan dhulkuu dago ayaa sugayey, wiigaane

Sacad iyo Saruur baa jeclaa, inay salaaxaane
Haday Caabudwaaq siilistana, waa si gooniyahe
Sodon bari markii ay qadoo, seeto lagu dhuujay

Sabaali hiimaarkii lagu dabree, sibirtu dheeraatay
Habar saarqabtiyo dumar, markuu wada salaaxaayey
Sadkaagii ka maashaye, adaan samirka, eegayne
Warhooy salabka keen Irir, haduu seefihii tumaye.


 

NB: Waxaan aqristeyaasha sharafta leh ee haya gabayadii, taariikh nololeedkii  iyo sawirka abwaan Siciid Sh Maxamuud Siyaad  ka codsanayaa in ay iigu soo diraan emailkan. Waxaan u baahanahay in aan la illaawin taariikhda halyay Siciid Sh. Maxamud Siyaad iyo waliba middii aabihiis, Ilaahay Janadii Fardowsa haka waraabiyee.

Abdulqadir Cilmi Cali

calicad2003@yahoo.com

8 Responses for “Gabay: Allaha U Naxariistee Siciid Sh. Maxamuud”

  1. A.c.w waa wax aad loogu baahanyahay in
    Taariikhdii iyo halgankii iyo wixii dad nooga dhintay
    Magacyadoodii la qoro oo book ahaan loo diyaariyo,
    Si ilmaheena danbe u aqristaan taariikhdii awoowa_
    Yaashood. Arintaan hirgalinteeda waa in maamulka
    X/xeeb u istaagaa. Dhanka kale; waa in aan ogaanaa in
    Maamulka iyo wanaaga reer xaaji maanta haystaan
    Uu ku yimid halgankii aabayaasheen. Magacii
    Gob hawiye ahaa ee saleebaan loo baxshayna rag baa
    Ka soo ee waa in aan la hilmaamin. Ee waa in matxaf
    Taariikhdoodii iyo waliba taariikhda guud ee reer
    Xaaji lagu kaydiyana aan dhisnaa. Ugu danbeyntiina
    Waxaan leeyahay Gob Hawiye Heroes ha noolaado.

  2. dulan says:

    walaal c/qaadirow waad ku mahadsantahay soo gelinta gabaygaan oo rumahaantii ahaa gabay qiimo badan isla markaana uu tiriyey ruux lugu tilmaami karo inuu ahaa horseed kii sugaanta somalida isla markaana lugu maneystay maskax iyo aragti dheeri anan rumahaantii ku arkin agwaaniinta maantay, markale rabi naxariistii ha siiyo abwaan siciid gacameey, adinkana hadaa tihiin bahda ximan iyo xeeb waxaan idin kaga fadhinaa sidii aad gabayadii agwaankaa ku soo nooleeyn laheeydeen.

  3. yahya says:

    “sanka duul ka xiran baa nohoo seeta loo dhigaye” salaan qaali ka bacdi mr cali cadoow waan kuugu hambalyeeynayaa sida aad dib noogu xusuusiay sanadihii halganka ee beesha reer xaaji saleebaan, ma badneeyn rumahaantii somaali sida aan u fakareyno u fakareysay xiligii uu agwaanku na horboodayey ujeedadeeno waxeey aheeyd ladagaalanka qabyaaladii iyo musuqii halakeeyey shacabkayaga waxaana ka dhiidhineeynay gumaad kii rumahantii aan taarikhda inbadan oo kamid ah lugu xusin ee beesha reer xaaji lugu hayey hadaf kayaguna aarsi ma heyn ee wuxuu ahaa qaran somaliyeed ee cadaalad ah sidii lugu heli lahaa, waxaan xusuusanayaa inaan mudo 8 sano ka badan anan ciida soomalida cagaha soo dhigin ee aan aniga iyo kumanaan beesha ka tirsan ba aan dhufeeysyo bahlo galeen ah aan ku hoyo jirnay waa dhulka loo yaqaano ceelcad, haye shee maalintii aan xamar soo galnay inagoo somali garbaheena ku sidna ayaa halgankii waxaa afduubay qowleeysato aan hadafkoodu aheeyn in somaliyo madaxbanaanaato.

  4. A/cw c/qaadir waad mahadsan tahay waana sareeyaa hamigaagu maadaama aad in aad taariikh ama raad raac qorto ku fakartay waana tan aan kaaga mahad celinayo intaas ka dib walaale waxaan rabaa wax yar inaan kuu toosiyo gabayga baydka udanbeeya oo ay wax ka maqan yihiin sxb waana sidaan mar hore ayaa gabygaas iigu danbaysay laakii aan xasuusto ;;qoraalkaaga waxaa ugu danbeeya sabaali hiimaarkii kaas marka ku badal qoraalkaan;sodon beri markii ay qadee seeto lagu dhuujay;,saba ari markii lagu dabree sibirtu dheeraatay,;habar saar qabtiyo dumar markuu wada salaaxaayey ,; marka waa taas sxb waana mahadsan tahay inbadan

  5. mr camalle says:

    waa loo baahan yahay in la soo nooleeyo dhamaan taariikh luntay halgamayasheenii
    kuwo hore iyo kuwa danbenaba
    waxaan ku talinayaa in dhamaan shacabka ximab iyoxeeb inay soo uriyaan oo u soo bandhigaan
    meediyaha wa bilaahi towtiq

  6. alaha ha naxareesto siciid mgacamey waxa oo ahaa ninm geesi

  7. ilaah haka waraa biyo naxa riistii jano siciid gacamey walaala yaal waxaa laga yaabaa marxuum kas iyo rag lamida in manta caruur toodii baa hiyo hayso ama dhibaato hayso waxaan kula tali nayaa dhamaan jaaliyada reer ximin iyo xeeb in dib loogu noqdo halgan kii xoriyada ee dhul keena iyo rakii unaf waayey ilaaah na xariistii jano hasiiyo amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin wabilaahi towfiiq

  8. Sacdiyo cabdullahi siyaad xeeydhe says:

    As wr wb walaalayaal mashaa allaah waad ku mahad santihiin qoraal kiina iyo websiteka aad u sameeseen alle ha u naxariisto abkaanka siciid maxamuud siyaad xeeydhe oo ahaa abwaan somaliyeed ahaana xaq u dirir ka dhiidhiyay gardarada iyo dulmiga lagu hayey umada somaliyeed run ahaantii aniga oo ah walashiis waxaan illaah uga baryayaa janadii fordowsa in uu ku waraabiyo insha allaah

Leave a Reply